Home Wararka Maanta Maamulka Garbahareey oo u Digay Diyaaradaha taga Gobalka Gedo

Maamulka Garbahareey oo u Digay Diyaaradaha taga Gobalka Gedo

0

Maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa shirkadaha Diyaaradaha ee dalka uga digay in magaalada Garbahaarey usoo qaadaan guddiga qiimeynta xaaladda magaalada Gabahaarey uu dhawwaan magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.

Masuliiyin katirsan maamulka Garbahaarey oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaaladasai ayaa sharci daro ku tilmaamay guddiga Rooble magacaabay, waxa ayna uga digeen in ay yimaadaan xarunta gobolka Gedo.

Guddoomiye kuxigeenada maamulka degmada Garbahaarey ayaa sheegay in diyaaradii Garbahaarey keenta guddiga qiimeynta Garbahaarey in ay dib ugu celin doonaan Muqdisho ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

Aadan Siraad Maxamuud oo kamid ah guddoomiye kuxigeenada maamulka Garbahaarey ayaa sheegay in maamulkooda isla qaateen in ay kahor tagaan in magaalada yimaadaan guddiga Rooble magacaabay uu ku tilmaamay sharci daro.

Waxa uuna si cad u sheegay Aadan  Siraad in magaalada Garbahaarey aysan imaan karin guddiga Rooble u magacaabay in qiimeeyaan xaalada Garbahaarey in doorasho ka dhici karto, waxa uuna xusay in kaliya ogol yihiin in magaalada yimaadaan guddiga doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka magaalada Garbahaarey ayaa kusoo aadaya xili lagu wado in berri magaaladaasi u duulaan guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana suurto gal ah in safarkaasi uu dib u dhaco khilaaf jira

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDeg Deg: Askar ka Tirsan Ciidamada Gorgor oo lagu Dilay Gudaha Mahaalada Dhuusamareeb
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalki Ruushka oo Maalintii Sagaalaad Galay