Home Wararka Maanta Maamulka G/Banaadir oo amar ka soo saaray deeqaha loo ururiyey dhaawaca isbitaalada...

Maamulka G/Banaadir oo amar ka soo saaray deeqaha loo ururiyey dhaawaca isbitaalada jiifa

0

Guddiga Gurmadka G/Banaadir ee Qaraxyadii zoobe 2 ayaa maanta shirkoodii shaqo ku yeeshay xarunta Gurmadka G/Banaadir. Guddiga ayaa ka iska wareestay arrimaha xiriirnta hawlaha iyo dar dargalintooda gar-gaarka dadkii ku dhibaatoobay qaraxyadii Zoobe2. Waxaa uu guddiga ku bogaadiyay dhammaan maamulada degmooyinka iyo deegaanada Gobolka dadka kaalmada ay muujiyeen waxa uuna ku booriyay in ay sii wadaan gurmadka iyo abaabulka loogu gar gaarayo ehaladii ku waxyeeloobay weerarkii argagaxisada ee Isgooyska Zoobe.

Maamulka G/Banaadir oo ah hey’adda dawladeed ee mas’uuliyadda koowaad ka saarantahay hagidda iyo jihaynta hawlaha gurmadka, waxa uu meel gabo gabo ah marsiinayaa xog aruurinta la xiriirta khasaaraha nafeed iyo tan hantiyadeed ee ka dhasahay weerarkii 29 ka bisha dhacay. Warbixintaasi oo la soo marsiin doono dhammaan habraacyada xaqiijinta iyo hubinta si ay u noqoto mid go’aano lagu qaadan karo.

Maamulka G/Banaadir waxa uu dhinaca kale ku baaqayaa in dhammaan hey’adaha dawladda iyo dadka sida gaarka ah isku abaabulay ee aruuriyay deeqaaha kala duwan ee gurmadka in ay si deg deg ah dadka ku jira Isbitaalada iyo qooysaskii eheladooda ku dhinteen ay la gaaraan si looga fogaado dib u dhac iyo in gargaarka uusan gaarin dadkii u baahan wqtiga ay ugu baahida badanyihiin.

Maamulka G/Banaadir waxa uu si weeyn ugu mahadnaqayaa dhammaan dawladaha caalamka, hey’adaha kala duwan ee Dawladda iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed dalka iyo dibadda gurmadka is daba jooga ay u fidinayaan shacabkii ku waxyeeloobay qaraxyada.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMuuse Biixi oo ka hadlay qaraxyadii lagu Dhamaaday ee ka dhacay Zoobe
Next articleRa’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo dhawaan xilka laga Tuuray oo la toogtay