Home Wararka Maanta Maamulada Galmudug iyo Puntland oo soo saaray go’an wadajir ah

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo soo saaray go’an wadajir ah

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Galmudug  ayaa  ku yeeshay Guddiga amniga Gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudodomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee Puntland laba duq ee Magaalada Gaalkacyo ee Maamulada Puntland & Galmudug lamaha amniga talisyada booliska labada Maamul iyo Xubno kale.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegay in shirka uu kusoo dhamaaday Guul, isla markaana ay uga hadleen dhacdooyinkii dhacay Saddexdii Todobaad ee la so dhaafay, waxaana uu sheegay in amniga uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shirka lagu go’aamiyay sidii looga hortegi lahaa weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab iyo la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya oo ka qeyb-qaadanaya amni darrada Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug waxaa uu sheegay in la isku raacay in labada Ciidan ee Puntland & Galmudug  ay siwadajir ah u wada howlgallaan si loo xaqiijiyo guud ahaan Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo degaannada kale ee Gobolkaas ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyo soo laab laabta.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleSawiro:- Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho goor dhow
Next articleGalmudug iyo Dowlada Somaliya oo heshiis dhex dhigay Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Xanan-buure