Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Maamul Goboleed Shaaciyay Kuraasti U Danbaysay ee Degaan Doorashadiisa

Maamul Goboleed Shaaciyay Kuraasti U Danbaysay ee Degaan Doorashadiisa

0

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ku haray maamulkaasi, kuwaas oo lagu dooranayo gudaha Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada 7 kursi oo ku harsanaa Baydhabo la qabanayo maalmaha soo socda.

Kuraasta la shaaciyey ee doorashadooda la qabanayo ayaa kalaah HOP#181, HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164 & HOP#064.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya dadajinta doorashada, marka loo eego maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Horey waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyo doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa beelaha Banaadiriga, waxaana kusoo xiga Koonfur Galbeed.

Doorashada oo qaadatay muddo ka badan 1 sano ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, iyadoo la guda-galayo doorashada guddoonka labada aqal iyo mida madaxweynaha.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAqriso: Sida uu u Saameeyey Soomaaliya Dagaalka Kasocda Ukrain
Next articleMaraykanka Oo Dowlada Soomaaliya ku amaanay Hal arin