Home Wararka Maanta Ma dhabaa in raysulwaare Rooble loo diiday Baasaboorka Dimlomaasiga?

Ma dhabaa in raysulwaare Rooble loo diiday Baasaboorka Dimlomaasiga?

0

Sida ay warbaahintu u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa loo diiday in la siiyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Xogta la helay waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu diiday in Rooble la siiyo baasaboorkaas, inkastoo aan weli la caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankan.

Lama filayn in Xamza, oo xilka kala wareegay Rooble, uu tallaabadan qaado, maadaama uusan jirin khilaaf muuqda oo labada masuul ka dhex jiray. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadan waxaa ka mid ah Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in uusan filayn in Xamza uu sidan u dhaqmo.

“Mudane Xamza Cabdi Barre, wax walba inuu ku adeeco Madaxweynihiisa waan ka filayey, laakiin marnaba kama filaynin inuu masuulkii uu xafiiska kala wareegay xurmadarro kula kaco, oo u diido warqad uu qarankiisa xaq ugu lahaa. Maamuuska noocan ahna waa mid wada leh dhammaan madaxda qaranka soo martay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa intaas ku daray: “Haddii sidaas foosha xun uu ula dhaqmay Ra’iisul Wasaarihii uu xilka kala wareegay, yey tahay cidda uu mudnaanta siinayo?”

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyey eedeymo sheegaya in Rooble uu la kulmay “nabsigii” Farmaajo iyo Fahad, oo hore u aaminay, Ra’iisul Wasaarena ka dhigtay, balse markii dambe uu ballantii uga baxay, xilli ay isku dayayeen muddo kororsi iyo awood ciidan.

Inkasta oo Rooble safka siyaasadeed uga jiro dhanka xukuumadda hadda jirta, haddana waxaa la sheegaa inuu mar dambe ku biiray ama codsaday xubinnimada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inuu muddo dheer saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha, Xasan Sheekh, oo si weyn loogu yaqaanno saaxiibtinimo joogto ah.

Ilaa hadda, Rooble kama hadlin arrintan, sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Hay’adda Socdaalka, oo bixisa baasaboorrada, kama aysan jawaabin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dhinacyada ay khuseyso ay ka soo saaraan war rasmi ah, maadaama ay tahay arrin xasaasi ah in Ra’iisul Wasaare hore loo diido xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleSafiir Charles Nicholas King oo loosoo Magacaabay Soomaaliya
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Qaraxyo Ku Bilowday ku qaaday Difaacyada aadan yabaal