Home Wararka Maanta Ma Dhabaa in Dowlada Soomaaliya xirtay Facebook Siciid Deni?

Ma Dhabaa in Dowlada Soomaaliya xirtay Facebook Siciid Deni?

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo uu ujeediyay maamulka Puntland, kuwaasi oo la xiriiray in dowladda federaalka ay xirtay bogagii Facebook ee madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa dowladda ka difaacay eedeyntaasi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeynta aheyd ee ka timid maamulka Puntland in aysan ahayn mid mas’uuliyad xambaarsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan dowladda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir Al-Caadala ayaa ku cel-celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn arrintaasi, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sababaha ka dambeeya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ka taagneyd dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.

Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale horey iskaga fogeysay arrintaas, waxaana la is-weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleYaa ka Danbeeyey Dilka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo dhawaan nayroobi lagu Dilay?
Next articleDowlada Itoobiya oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland