Home Wararka Maanta Ma dhabaa in Daacishta ka dagaalamaysa Puntland laga hagaayay hargaysa?

Ma dhabaa in Daacishta ka dagaalamaysa Puntland laga hagaayay hargaysa?

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu helay dukumintiyo sir ah oo ay ka carareen maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaas oo lagu ogaaday in xubnaha kooxda lagu soo daaweyn jiray gudaha Somaliland.

Inkasta oo maamulka uusan warbaahinta u soo bandhigin dukumintiyada uu sheegay inuu helay, haddana waxa uu tilmaamay in xubnaha kooxda qaarkood lagu soo daaweyn jiray magaalada Hargeysa, kadibna ay kusoo noqon jireen dhulka buuraleyda ah.

Warqadahan ayaa laga helay deegaannadii laga xoreeyay kooxda, waxayna muujinayaan in dhaawacyada xubno ka tirsan Daacish lagusoo daweeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu sheegay maamulka.

Sidoo kale, warqadahan ayaa waxaa ku jira kuwo ay shirkado ganacsi alaabo ugu soo rareen kooxda Daacish, halka qaar kalena ay lacago ka heleen.

Dhanka kale, waxaa haatan soconayo baaritaano dheeraad ah oo ay waddo Puntland oo lagu dabagalayo shirkadaha iyo isbitaallada la sheegay inay macaamileen argagixisada.

Horay waxaa saldhigyadii laga qabsaday Daacish looga helay lacago shilinka Somaliland iyo sidoo kale lacagta Shilling-ka dalka India oo shalay ciidamadu ka heeleen goob ay kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Si kastaba, Daacish ayaa laga sii tirtirayaa deegaannada Puntland, iyada oo lagala wareegay dhul aad u ballaaran, kadib howlgallo ay ku qaadeen ciidanka Puntland.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDagaal Alshabaab Lix jeer ay soo qaadeen oo ka dhacay Ceel cali axmed
Next articleSababta Xasan Shiikh Ciidamada Burindi Dalka uga saaray oo la ogaaday