Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay aqbalay inuu si toos ah uga qeyb-galo kulan dadweyne, xilli ay maalmo ka dhiman tahay sanad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay dib u doorashadiisa 15-kii May ee 2022-ka.
Madaxweynaha ayaa maanta galinka dambe magaalada Muqdisho kaga qeyb-galaya barnaamijkan kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka jawaabi doona su’aallaha ay qaban shacabka Soomaaliyeed iyo cabashooyinkii laga muujiyey dowladda uu hoggaamiyo.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu madashaan kusoo bandhigi doona “guud ahaan wixii u qabsoomay muddada sanadka ah ee uu hayey talada dalka.”
Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah, kuwaas oo ku qotoma hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad.
Si kastaba, Kulankan dadweyne oo ah mid noociisa u horreeyay ee Soomaaliya, ayaa lagu macneeyay mid qaadaya xayn-daabka u dhaxeeya madaxda sare iyo bulshada Soomaaliyeed.