Home Wararka Maanta Liiska Ururada Gudbiyay musharaxiinta uga qeyb galaysa doorashooyinka degmooyinka gobolka Banaadir

Liiska Ururada Gudbiyay musharaxiinta uga qeyb galaysa doorashooyinka degmooyinka gobolka Banaadir

0

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday tirada ururada siyaasadeed ee soo gudbiyay musharaxiinta uga qeyb-geli doonta doorashooyinka  16-ka degmo ee Gobolka Banaadir oo la qorsheeyay bishaan Diseembar 25-keeda.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in ilaa hadda 12 urur siyaasadeed ay soo gudbiyeen liisaskooda musharaxiinta oo gaaraya 390 musharax oo laga rabo urur kasta, kuwaas oo uu sheegay in ay qaarna soo dhameystireen, qaarna weli ay ku howlan yihiin.

Ururada ilaa hadda  soo gudbiyay musharaxiintooda ayuu sheegay in ay kala yihiin: Ramaas, Towfiiq, Karaama, SAAB, Ururka Horumarinta iyo Midnimada Qaran, Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Ururka Midnimada Shaqabka, Ururka Qaranka ee Dimuqraadiga, Ururka Qiimo Qaran, Ururka Madalsan, Ururka Dawlad Wanaagga Soomaaliyeed, iyo Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in bixinta kaararka cod-bixinta ay si habsami leh uga socoto dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo muddada kama dambaysta ah ee ururada siyaasadda ay ku soo gudbin karaan liisaskooda musharaxiinta ay tahay 20-ka Diseembar 2025.

Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay dhammaan ururada siyaasadda in ay dhameystiraan diiwaangelinta musharaxiinta, si doorashada ay u noqoto mid hufan, waafaqsan shuruucda doorashooyinka, oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee, doorasho dadweyne oo ka dhacda gobolka Banaadir ayaa noqon doonta markii ugu horraysay muddo ka badan 50 sano oo doorasho nuucaan ah ay ka dhacdo caasimadda  dalka. Dad ku dhow hal milyan oo qof ayaa iska diiwaan galiyay doorashooyinkan, inkastoo tirada qaadatay kaarar ay aad u yar yihiin marka loo eego dadka isdiiwaan galiyay.

Ad