Home Wararka Maanta Laftagareen oo safar uga Baxay diyaarad u qaatay degmo Baydhaba u jirta...

Laftagareen oo safar uga Baxay diyaarad u qaatay degmo Baydhaba u jirta wax yar qiyaastii illaa 65 kiilo mitir.

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar u baxay ayaa diyaarad u qaatay degmo weyn oo magaalada Baydhaba u jirta wax yar qiyaastii illaa 65 kiilo mitir.

Lafta Gareen ayaa ka dagay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalayanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Koonfur Galbeed.

Ujeedka uu u tegay halkaas ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleema saarka guddoomiyaha cusub ee golaha deegaanka ee degmadaas oo doorasho kusoo baxay.

Madaxweynaha ayaa runta sheegay marka uu tegay magaalaa Buurhakaba, wuxuuna shaaciyay in magaaladaan oo muhiim ah ay muddo dheer uga maqnaayeen daruufo amni dartood, gaar ahaan go’doominta ay kooxda Al-Shabaab geliysay degmada Buurhakaba.

Waxa uu tilmaamay inay ka xishoonayeen muddadaas inay diyaarad usoo raacaan degmadan oo uu tilmaamay in 64 KM oo kaliya ay u jirto magaalada Baydhaba.

“Waxyaalaha ugu badan ee maqnaashahayaga Buurhakaba keenaayay inaan imaan weyno daruuf jirtay oo waad ogtihiin Buur iyo Baydhaba waxay isu jiraan 64 KM, waxaana ka xishooneynay inaan diyaarad usoo raacno” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Cabdicasiis Lagfta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ku rajo weyn yihiin in dhowaan la qaado howlhgal culus oo la’isugu furayo deegaanada Koonfur Galbeed.

“Annaga oo baabuur saaran oo jidkaan dheer soo mareyno inaan Buur tegno, joogno, kasii tegno, hadana ku soo noqono waayay waxaan ilaah ka rajeyneyno” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu faray maamulka cusub in qorshiisa koobaad uu ka dhigo furista waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee gobolka Baay.

“Maamulkaan loo doortay degmada Buurhakaba waajibaadka ugu horreeyo oo saaran isaga iyo shacabkiisa oo gacmaha is haysta in Baydhabo iyo Buurhakaha dhexdooda mar dambe uusan sii go’naanin oo la’isu socdo” ayuu kula dardaarmay maamulka cusub ee degmada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab la filayo in xoogiisa uu ka dhaco gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDarawal iyo Afar haween ah oo Saarnaa Gaari Qaraxyo Waday oo Maxkamad Lasoo Taagay
Next articleKooxda Alshabaab oo ku dhawaaqday in aysan heynin awood ay isaga difaacdo ciidamada ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri