Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo lagu eedeeyey Qiyaano Qaran kadib Wixio Shalay ka Dhacay koonfurgalbeed

Laftagareen oo lagu eedeeyey Qiyaano Qaran kadib Wixio Shalay ka Dhacay koonfurgalbeed

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya uu ka dhacay.

Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa eedeymo xasaasi ah u jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo soo jeediyey in lagula xisaabtamo qaladka uu ka gelayo qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay inay ka naxeen wixii ka dhacay degmada Xudur oo gef ku ahaa qaranimada Soomaaliya, iyagoo Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Wuxuu sheegay in Laftagareen uusan ogoleyn in Khawaarijta laga xoreeyo K/Galbeed, taasi oo deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigtay meel uusan ka socon dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag.

Xildhibaanada ayaa warkooda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo heshiis la geli kara cid kasta, “Dowladda Itoobiya marnaba xaq uma laha inay ku soo xadgudubto Soomaaliya, waxaana masuul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed kooda ku yiri “Joogitaankiisa sharci darrada ah ee Laftagareen wuxuu uga faa’iideystay inuu galo qiyaano qaran, wuxuuna khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya iyo xasiloonida deeganaada Koonfur Galbeed, waxaan dowladda dhexe xusuusineynaa in Laftagareen uu galay qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.”

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleMaamulka Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay Dowladda Soomaaliya,
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo qaraxyo Ku Burburiyay Suuqii Tabeelaga Shiikh Ibraahim