Sarkaalkaan oo katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goordhow lagu toogtay meel u dhow dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye “Iskuul Buluusiya”, waxaana dilkiisa fuliyay rag Bastoolado ku hubeysan sida ay sheegtay Warbaahinta.
Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay baxsadeyn. Iskuul Buluusiya oo ku yaalla degmada Xamar Jajab kuna Xalane iyo Dekadda Muqdisho waxa uu qeyb ka ahaa goobaha amniga roon Muqdisho oo bilooyinkaan ku jirtay soo kabasho.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
Laftagareen ayaana Soo Saaray Qoraalkaaan.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa
Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit.