Home Wararka Maanta Laftagareen iyo Xildhibaanada Laga soo Doorto koonfurgalbeed oo Hal arin Isku raacay

Laftagareen iyo Xildhibaanada Laga soo Doorto koonfurgalbeed oo Hal arin Isku raacay

0

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa xog ka bixiyay shirkii ay Baydhaba kula soo yeesheen madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulankooda ay diirrada ku saareen fatahaadaham wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale wax ka beddalka Dastuurka dalka.

Aweys Maxamed oo u warramay Somali Gable ayaa wax laga weydiiyay guuxa ka dhashay shirkooda, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, wuxuuna sheegay inay muujinayeen cududooda, gaar ahaan xildhibaanada uu haysto madaxweyne Lafta-gareen.

“Runtii madaxweynaha Koonfur Galbeed sida aad ogtahay xildhibaano ayuu haystaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale oo kale ma’aha, madaxweynaha cududiisa inuu mideeyo xildhibaanada cod mid ah ay ku yeeshaan waa waajib” ayuu yiri Xildhibaanku

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isku dhaarsadeen hal arrin taas oo ah dhammeytirka Dastuurka, wuxuuna sheegay inay cod mideysan ka yeelan doonaan xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, marka la keeno dooda Dastuurka.

Xildhibaan Aweys oo sii hadlaya ayaa xusay inay yeelan doonaan guddiga gaar u ah xildhibaanada, kaas oo falanqeyn iyo aragti mid ah ka yeelan doono Dastuurka.

“Waxaan ku heshiinay hadda in guddi xildhibaanadeena ah la saari doono Koonfur Galbeed ahaan marka la keeno ajendaha akhrino, ka doodno ka bacdina cod mideysan aan ka yeelano” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar.

Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa sidoo kale yiri “Qasab waayay in dastuurka la dhammeeyo waana muhiim, maxaa yeelay dowlad sideeda waxay ku dhisan tahay shuruuc iyo qaanuun”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu si rasmi ah u xaqjiiyey wax ka beddalka Dastuurka Soomaaliya, isaga oo xildhibaanada ka codsaday inay Kalfadhigga 4-aad siiyaan muhiimad gaar ah.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleCali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay oo digniin kama dambeys ah u diray dadka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab.
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Guri Kuyaala Muqdisho oo La Qarxiyay