Madaxweynaha Laftagareen oo Shalay kasoo laabtay Dalka Imaaraadka Carabta isla markaasna Shalay Si wayn loogu Soo dhaweeyey magaalada baydhabo aya Xalay Kulan Albaabadu U Xiranyihiin La Qaatay Saraakiil Sar sare oo Itoobiyaan ah.
Laftagareen ayaana Itoobiyaanka Ka Dalbaday inay Adkeeyaan Amaanka Garoonka Magaalada Baydhabo isla markaasna aad ula socdaan Diyaaradaha Soo Dagaaya Sidoo kale Waxaa la sheegay inuu ka Dalbaday Itoobiyaanka inay kala Shaqeeyaan Doorasho Udoo naayo inuu Qabsado.
Laftagareen ayaa Sidoo kale Isugu Yeeray Xildhibaanada Koonfurgalbeed ee Ku Matala Baarlamaanka Soomaaliya inay Ddhawaan Isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo si ay ugu tashtaan ayaaha Koonfurgalbeed Waa siduu Hadalka U dhigaye.
Lafagareen ayaana Diiday inuu Yimaado Muqdisho oo la Qorshaynaayay inuu ka dhaco kulanka Golaha Wadatashi Qaran.
laftagareen ayaana Doonaaya inuu Qabsado Doorasho Dadban oo u eg Kushubasho Madaxweyne Laftagareen ayaana ka Faaidaysanaaya Khilaafka adag ee ka dhex Jira Dowlada Soomaaliya iyo Tan Itoobiya.