Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Labada Aqal ee Baarlamaanka oo Markale Maantay Garab Istaagay Xasan Shiikh

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo Markale Maantay Garab Istaagay Xasan Shiikh

0

Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Illaa 169 Xildhibaan ayaa ogolaatay xeerkan, waxaana diiday laba mudane, halka uu ka aamusay hal xildhibaan, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta oo ahayd gacan-taag.

Intaas kadib Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo goobjoog ah kulanka ayaa labada aqal ee Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Labada gole ayaa horay u meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbyada iyo sidoo kale xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay horkaceyso Villa Soomaaliya, ayna kula heshiiyeen qaar kamid ah maaullada dalka.

Qorshahan oo dhaliyay xiisad siyaasadeed oo xoogleh ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo marayo doorashooyinka qof iyo codka ah ay qaldan tahay, kana imaaneyso dastuurka KMG ah.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda haatan taagan oo saameynteeda si weyn looga dareemayo gudaha dalka.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWar Deg deg ah:Madaxweyne Cusub o Goordhow lagu Dooratay Kismaayo Iyo Dagaal laga Cabsi Qabo
Next articleJubaland oo War kasoo Saartay Dagaalkii Maantay Ka fhacay kismaayo