Home Wararka Maanta laba Wiil oo Walaalo ah oo Lagu Dilay Galmudug yaa Kadanbeeya Dilkaas?

laba Wiil oo Walaalo ah oo Lagu Dilay Galmudug yaa Kadanbeeya Dilkaas?

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal argagax leh oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii laba wiil oo walaalo ahaa si arxan darro loogu dilay gobolkaasi.

Weerarka oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Oodan ee bariga gobolka Galgaduud , waxaana lagu beegsaday qoys deganaa halkaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado ee isla gobolkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa goobta ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabia jiray Cabdikariin Axmed Carab iyo Cabdinaasir Axmed Carab, waxaana sdioo kale ay dhaawaceen hooyada qoyska iyo carruur kale oo ku sugnaa guriga.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Xiindheere, isla markaana ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, wuxuuna faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

“Qoyska waxay baraag ku lahaayeen halka ay mashaqdu ka dhacday , halkaasna waxaa ku dhintay laba wiil oo walaalo ah oo ilmo Axmed Carab ah. Sidoo kale hooyadood iyo ilmo kale oo iyagu dhaleen ayaa halkaas ku dhaawacmay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay dhaawaceyso heshiis nabadda ee dhowaan un laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada ee dalka.

“Waa mushkilad runtii lagu naafeynayo nabaddii curdunka ahayd ee horay xabad joojinta looga gaaray ee horay heshiiska looga gaaray” ayuu mar kale yiri.

Horay ayaa sidan oo kale Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay raggii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleDadka Sharci la’anta iyo kuwa Diidmada heesta ee Sweden oo soo gudbintooda la diiday
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ugu danbayn ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika