Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday subaxnimadii Talaadada gantaal riddo dhexe ah kaas oo dul maray Japan kuna dhacay badweynta Pacific-ga.
Waa markii ugu horeysay muddo shan sano ah oo dalkaasi uu rido gantaal lala beegsaday Japan. Riditaankan ayaa loo arkaa tijaabadii ugu muhiimsanayd tan iyo bishii Jannaayo, markaas oo uu waddanku riday gantaalka Hwasong-12 ee riddada dhexe oo awood u leh inuu gaadho dhulka Maraykanka ee Guam.
Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa isugu yimid shirar dhanka ammaanka ah si ay uga wada hadlaan soo saarista go’aano cusub. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, ayaa sheegay inay ka wadahadli doonaan “daandaansiga nukliyeerka ee aan ka fiirsiga lahayn” ee Kuuriyada Waqooyi, taasoo ay jawaab adag ka bixin doonto Kuuriyada Koonfureed iyo beesha caalamka.
Dowladda Japan ayaa dadka deegaanka ka codsatay in ay gabaad raadsadaan, waxaana si ku meel gaar ah loo hakiyay adeegyada tareenada ee labada gobol ee waqooyi bari.