Home Wararka Maanta Kursigii Xildhibaannimo uu baneeyay Ra’isul Wasaare Xamse oo lagusoo baxay (Sawirro)

Kursigii Xildhibaannimo uu baneeyay Ra’isul Wasaare Xamse oo lagusoo baxay (Sawirro)

0

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada kursigii xildhibaannimo uu banneeyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP203 ayaa doorashadiisa waxaa loo xiray musharax la sheegay in ay si gaar ah u wateen Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Doorashada kursigan waxaa goordhaw ku guuleestay Xasan Hurre Ugaas oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay, kaddib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay Cabdullaahi Maxamed Cabd.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana shaaciyay in doorashada kursiga uu horey ugu fadhiyay Xamsi Barre uu ku guuleestay Xasan Hurre Ugaas, oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah loogu dhaariyo kamid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa noqoneysa kii labaad ee la qabto tan iyo dhismaha dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawwaan la filayaa in iyana la qabto doorashada kursigii xildhibaanimo ee horey loogu diiday Fahad Yaasiin .

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleBeesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dagaalka Kasocda Magaalada Laascaanood
Next articleMid ka mid Ciidamada Alshabaab oo Goordhow isku soo dhiibay ciidamada Galmudug (Sawirro)