Home Wararka Maanta Kursigii hoggaanka Midawga Afrika yaa ka faa’iidaya cadaadiska ay Fawsiya sheegtay?

Kursigii hoggaanka Midawga Afrika yaa ka faa’iidaya cadaadiska ay Fawsiya sheegtay?

0

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika.

Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.

Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay warbixintii shalay soo baxday ee Ciidamada ATMIS
Next articleDowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan BFS oo sheegay in lagu dhibaateeyay Magaalada Nairobi