Home Wararka Maanta Kursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad aamino oo lagu Kala Baxay

Kursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad aamino oo lagu Kala Baxay

0

Guddiga doorashoouinka Hirshabelle ayaa xalay xilli dambe Magaalada Jowhar ku qabtay doorashada Kursiga Hop135, oo ay ka geeriyootay Xildhibaanad Aamino Maxamed oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kursigan oo degaan doorashadiisu aheyd Beledweyne ayaa loo soo wareejiyay Jowhar, waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Daahir oo helay 52 cod, Musharrixiintii la tartamay oo kala ahaa Maxamed Nuur Xuseen  iyo Amran Xuseen Isaaq ay kala helay 48 iyo 1.

Kursiga Hop135 oo Isha lagu hayay cidda loo dooran doono ayaa dadka isku soo sharaxay waxaa ka mid ahaa Samiiro Maxamed Cabdi oo la dhalatay Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Aamino taasoo isaga hartay tartanka sababo aan la sheegin awgood.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhameystiray doorashada xubnaha golaha shacabka marka laga reebo kursiga HOP086 oo horay loogu doortay la taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay diideen, isla markaana go’aamiyeen in lagu celiyo doorashadiisa.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleGuddoomiyaha golaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo codsi u jeediyey Bulshada rayidka
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS ku Leyihiin shabeelada Dhexe