Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kursi loo xiray Musharax Madaxweyne iyo Laba Kale oo Habraacooda La Shaaciyay

Kursi loo xiray Musharax Madaxweyne iyo Laba Kale oo Habraacooda La Shaaciyay

0

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay saddexda kursi ee ugu dambeeya kuraasta deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle, kuwaa oo lagu wado in doorashadooda ka dhacdo magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdan kursi oo kala ah HOP#135 ,HOP#141,HOP#146 la qaban doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 30-ka bishan Abril.

Kursiga HOP#14 uu horey ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sannadkan tolkiisa siiyeen laguna wadaa in loo xiro Madaxwey6nihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale hada ah Musharax Madaxweyne.

Waxaa sidoo kale kursiga  HOP#141 uu horey ugu fadhiyay Wasiirkii hore Amniga Maxamed Isloow Ducaale, ayaa lagu waramayaa in doorashadiisa la furayo, waxaana kursigan musharaxiinta ku tartamaya mar kale ku jira Xildhibaan Islow Ducaale.

Kursiga saddexaad ee doorashadiisa ka dhaceyaso Jowhar  HOP#146 oo horey ugu fadhisay Xildhibaanadii Qaraxa lagu dilay Aamina Maxamed Cabdi ayaa laga yaabaa in kursiga loo xiro qof ay soo xusheen qoyska Xildhibaanada la dilay.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwa ugu dambeeya ee deegaan doorashadooda tahay maamulka Hirshabelle marka laga reebo kursi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo natiijadiisa la laalay mar kalana lagu wado in dib loogu celiyo.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleRooble oo hadal Qiiro leh kasoo saaray Gudoomiyaha Barlamaanka ee la doortay
Next articleMuxuu Laftagareen Ka yiri Doorashadii looga Adkaaday Musharixii uu Watay?