Home Wararka Maanta Kumuu ahaa ninkii hayay Furaha Kacbada ee uu qoyskiisa ku wareejiyay nebi...

Kumuu ahaa ninkii hayay Furaha Kacbada ee uu qoyskiisa ku wareejiyay nebi Muxammad NNKH ee Asbuucaan geeriyooday

0

Waxaa Asbuucaan geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaiba oo ahaa mas’uulkii 109-aad ee kacbada. Sheikh Saleh Al Shaiba ayaa loogu tukaday Masjidka Al Xaram waxaana lagu aasay qabuuraha Al Mualla.

Iyadoo la raacayo amarka Nabiga NNKH ilaaliyaha xiga wuxuu sii ahaan doonaa qoyska Al Shaiba.

“Waxaa saaka geeriyooday ilaaliyaha Kacbada ahna ilaaliyaha furaheeda Dr. Saleh bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Inside the Haramain.

Marxuumka ayaa ahaa ilaaliyaha 109-aad ee Kacbada tan iyo qabsashadii Makkah.

Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sanndkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday.

Muqaal laga soo duubay sheekh Saleh al-Shaiba ayaa lagu soo bandhigay furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim.

Furaha Kacbada Barakeysan ayaa ah mid ay gacanta ku hayaan dad gaar ah oo uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay, waxaana loo yaqaanaa dadkaasi gacanta ku haya furaha Kacbada Sudnat Al-Kacba.

Sudnat Al Kacba waa Qoys uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay Furaha Kacbada waxaana qoyskaasi ay ka soo jeedaan Banu Shayba, furaha kacbada ayaa waxay gacanta ku hayaan muddo 16 qarni ah.Reer Banu Shayba oo haatan loo yaqaano Aal-Shayba ayaa waxay tafiir ahaan ka soo jeedaan Qusay Bin Kilaab Bib Murra, Qoyskii Qusay Bin Kilaab ayaa gacanta ku hayn jiray Furaha Kacbada Islaamka ka hor.

Sheikh Saleh Al Shaiba waa qofkii 109-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn.

Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada doctorate ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka.

Muxuu Furaha Kacbada ka sameysan yahay?
Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan.

Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswah-da gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar.

Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah.

Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”.

“Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Furahaasi waxaa hayay ninkii beesha u waynaa oo la odhan jiray Cusmaan ibnu abii-Dalxa. Waxa jirtay qiso dhex martay isaga iyo Nebi Muxamed (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wakhtigii ay diinta Islaamka cusbayd. Wuxuu Nebigu ka dalbay inuu Kacbada u furo wuuna u diiday, markaas ayuu nabigu ku yidhi ‘waxa imaan doonta maalin aan kaa qaado’.”

Dhawr iyo toban sanno ka dib sannadkii Muslimiinta ay qabsadeen Makah, ayuu Nebiga ka qaaday furihii kacbada odeygii hayay, wuuna furay ka dibna waa la nadiifiyay.

Furaha kacbada, nabiga kama wareejin reer Banuu Shayba oo illaa iyo hadda haya, waxayna furaan xilliyada la nadiifinayo.

Reerkaas ayaa masuul ka ah waxa loo garanayo ‘Sudnah’ taa oo micneheedu yahay daryeelka guud ee kacbada iyo furidda iyo xiriddeeda.

Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah.

“Furaha Kacbada waa muhiim, taariikh ahaan iyo diin ahaanba. Wuxuu furaha leeyahay kiish u gaar ah oo la geliyo oo ay hayaan reerkaas iyo Golaha Shuurada,” sida uu sheegay Dr Maxamed al-Zulfah oo la hadlay Al-Carabiya.

Al-Zulfah oo ku takhasusay taariikhda Islaamka, wuxuu sheegay in qaabka furaha uu is bedledelo. “Madxaf ku yaalla Turkiga waxaa yaallo 48 fure oo la uruurinayay tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halka Sacuudiga uu hayo Laba fure oo koobi ah oo dahab laga sameeyay.Qoyskaasi ayaa sidoo kale had iyo jeer ka shaqeeya nadiifinta Kacbada waxaana kacbada la nadiifiyaa laba jeer sanadkii, waxayna labadaasi jeer kala yihiin kowda Bisha Shacbaan iyo 15ka bisha Muxaram.

Ad
Previous articleDalkii 4aad ee ka tirsan Yurub oo aqoonsaday dowlada Falastiin
Next articleGalmudug:Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo gurigooda lagu dhex dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here