Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo celinta xiriirka dalkaasi uu la lahaa Ruushka, xilli uu kulan gaar ah magaalada Moscow uu kula yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Al-Sharaa, oo safarkiisii ugu horreeyay isagoo matalaya Suuriya ku tagey Ruushka ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeynayso sidii loo ilaalin lahaa madax-bannaani iyo midnimada dhuleed ee Suuriya.
“Waxaan isku dayeynaa inaan dib u soo celino xiriirka si uu u noqdo mid madax-bannaan, mid ilaalinaya midnimada iyo amniga Suuriya,” ayuu yiri isagoo ka hadlayey qasriga Kremlin-ka.
Madaxweynaha Suuriya ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowladdiisu ay ixtiraami doonto dhammaan heshiisyadii hore ee Moscow iyo Dimishiq dhex maray.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad