Home Wararka Maanta Kulan Dhexmaray Dowladaha Somaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay + Sawiro

Kulan Dhexmaray Dowladaha Somaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay + Sawiro

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Akadeemiyada Diplomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee ee Turkiga, Prof. Dr. Mesut Özcan

Waxay ka wadahadleen dhinacyada muhiimka ah ee tababarka dublamaasiyadda iyo balaarinta saldhigga aqooneed ee dublamaasiyiinta.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya akadeemiyada Turkiga iyo Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in sare loo qaado iskaashiga iyo sidii loo kobcin lahaa isdhaafsiga khibradaha iyo hababka ugu wanaagsan.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen in ka badan 80 diblomaasiyiin Soomaaliyeed ah 15-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna si qiiro leh ugu baaqay in la xoojiyo koorsooyinka heerka sare ah si loo horumariyo khibradaha diblomaasiyadeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kullankan ayaa ku soo beegmaya koorsada yar ee dublamaasiyiinta Soomaaliya, kaasoo berri oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidamada Booliska Jubaland oo Qaaday Talaabo Dadka Kismaayo ka Caraysiisay
Next articleKoox Cunsuriyiin ah oo Weerartay Hotel Qaxooti la dajiyay gudaha UK iyo khasaaro ka dhashay