Ilaa 23 qof, ayaa ku dhintay, afar kalena waa la la’yahay kadib markii duufaan wadatay roobab iyo dabeyl xoogan ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha, dhaawaca tobanaan kale ayaa la geeyeyt goobaha Caafimaadka.
Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal soo dumay
Duufaanadan ayaa burbur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay waxyeelo ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxaana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo qoys ay korontadu ay go’day.
Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan.
Dadka deggan Rolling Fork, oo ah magaalo yar oo ku taalla galbeedka Mississippi, ayaa sheegay in duufaantu ay daaqadaha kasoo gashay gadaasha guryahooda. Khasaaraha ka dhashay deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u daran yahay.