Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 30 Musharax oo ilaa Haataan Qaadatay Shahaadada Musharax Madaxweynaha 10naad...

Ku Dhawaad 30 Musharax oo ilaa Haataan Qaadatay Shahaadada Musharax Madaxweynaha 10naad ee Soomaaliya(Akhriso Magacyada)

0

30 musharax ayaa illaa hadda isku diiwaangeliyey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.

HOOS KA AKHRISO MUSHARAXIINTA ILLAA HADDA QAATAY SHAHAADADA MUSHARAXNIMO

1.Shariif  Sheekh Axmed.
2.Daahir Gelle.
3.Cabdikadir Cosoble Cali.
4.Bashiir Xaaji Cali.
5.Cabdullaahi Cali Xasan.
6.Xasan Cali Kheyre.
7.Cabdinuur Sheekh Maxamed.
8.Cabdikariim Xuseen Guuleed.
9.Cabdirahmaan Cabdishukur Warsame.
10.Cabdiraxmaan Maxamed Ablaal.
11.Dr.Siciid Ciise Maxamuud.
12.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.
13.Axmed Ducaale Xaaf.
14.Mahad Axmed Diiriye.
15.Muqtaar Maxamed Sayid.
16.Fowsiyo Xaaji Yuusuf.
17.numcaan Sheekh Cumar.
18.Cumar Cabdiqadir Axmed.
19.Xasan Sheekh Maxamuud.
20.Maxamuud Daahir Aweys.
21.Cabdiqadir Xuseen Maxamed.
22.Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).
23.Cabdi Aadan Hoosoow.
24.Cabdi Maxamed Kuusoow.
25.Jamaal Axmed Ibraahim.
26.Cabdullaahi Cali Axmed(Cadow Cali Geesey).
27.Xuseen Cabdi Nuurow.
28.Cabdullaahi Cali Axmed.
29.Jibriil Ibraahim Cabdulle.
30.Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa ku eg berri, ayada oo doorashada madaxweynaha la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleHabraac Amniga Musharixiinta Madaxweynaha Oo La shaaciyay iyo Faramaajo Oo Hab maamus Gaar ah loo Sameeyey
Next articleWar Deg Deg Ah: Qarax Culus oo lala eegtay Farxaan Qaroole iyo Faahfaahn kasoo Baxaysa