Home Wararka Maanta Ku dhawaad 30 Askari oo Ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Daacish Hal...

Ku dhawaad 30 Askari oo Ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Daacish Hal goob ku dishay

0

Ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyi-bari ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.

Kooxdan oo adeegsaneysa baabuur iyo mootooyin ismiidaamin ah oo qaraxyo lagu soo xiray ayaa weerarkan ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen ciidamada Daraawiishta Puntland, sida uu VOA-da u sheegay afhayeenka ciidamada Puntland, Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed.

Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen weerarka.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyada Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah Daacish, waxaana bishan horaanteeda bartilmaameed u aheyd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo inay tiradooda ay u dhaxeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, weli waa mid aad uga yar al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Ciro oo ku Dhawaaqay Dal wayn oo Dhawaan aqoonsan Doona Soomaaliland
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ganacsade Alshabaab u Dacwooday Markii ugu Horaysay Xukun ku Riday