Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 1,500 Qof Soomaali ah oo qaadatay diinta Masiixiga oo si...

Ku Dhawaad 1,500 Qof Soomaali ah oo qaadatay diinta Masiixiga oo si dhuumaaleysi ugu nool gudaha Dalka

0

Hay’ad lagu magacaabo International Christian Concern (ICC) oo u doodda dadka Kirishtaanka ah ayaa shaacisay in ay in ka badan 1,500 qof oo Soomaali ah oo qaatay Diinta masiixiga ama Kirishtaanka ay si dhuumaaleysi ah ugu nool yihiin Muqdisho iyo gobollada kale.

Warbixinta Hay’addaan ayaa waxaa lagu xusay in inta badan dadkaan ay isaga baxeen diinta islaamka, waxaana ay Hay’addan ay xustay in ay si hoose uga fuliso Soomaaliya barnaamijyo lagu taageerayo dadkan iyadoo ka caawineysa meelo qarsoodi ah oo ay ku cibaadaystaan.

Sidoo kale waxa ay Hay’addaan gudaha dalka Soomaaliya ka hirgelisay shabakad si qarsoodi ah uga shaqeyso inay caawiso dadka doonaya inay diintooda Islaamka ka baxaan iyadoo u kiraysay guryo 20 qof oo ay sheegtay inay diintooda ka carareen.

Waxa ay haweeyneedaan adeegsata xirfaddeeda caafimaad si ay u gaarto haweenka iyo carruurta, Waxayna sheegtay inay hawshan si qarsoodi ah u wadday muddo laba sano ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ayaan wali ku baraarugsaneen shaqada hay’addan ay sida qarsoodida uga wado Soomaaliya.
Soomaaliya waa dal ay dadkiisu in ka badan 99% raacsan yihiin diinta Islaamka Sunni ah, gaar ahaan mad-habta Shaaficiyada. Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dowladda wuxuu Islaamka u aqoonsan yahay diinta rasmiga ah ee dalka, wuxuuna farayaa in dhammaan sharciyada dalka ay waafaqaan mabaadi’da Islaamka. Inkastoo dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda diinta, haddan wuxuu si cad u mamnuucayaa faafinta diin kale oo aan ahayn Islaam.
Sanadihii u dambeeyay waxaa kordhay qoraallo iyo muuqaallo lagu baahiyo baraha bulshada oo sheegaya in dad Soomaali ah ay u wareegeen diimo kale, gaar ahaan Masiixiyadda – arrin ay falanqeeyayaal badani u arkaan mid lagu raadinayo dareen iyo falcelin halkii ay ka ahaan lahayd isbeddel diimeed dhab ah.
Ad
Previous articleHorjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Weerar ka dhacay gobolka Hiiraan
Next articleAskari ka tirsanaa NISA oo lagu riday Xukun Toogasho ah