Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay...

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

0

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen.

Muwaadiniintan, oo u badnaa dhalinyaro, ayaa sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin jirdil, cunto la’aan, iyo daryeel la’aan caafimaad. Sida ay sheegeen, waxay u xirnaayeen si sharci darro ah xilli ay ku sugnaayeen Libya iyagoo doonayay inay u sii gudbaan dalal kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo hay’ado caalami ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyagoo sheegay inay la tacaalayaan sidii muwaadiniintan dib loogu dajin lahaa loona caawin lahaa.

Qaar kamid ah dhallinyarada dalka kusoo laabtay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin inay dalka dib ugusoo laabtaan, iyagoo sheegay inay rafaad adag kala kulmeen dalka Libiya. Waxay sheegeen inay iyagu iskood u go’aansadeen inay dalka kusoo laabteen, kaddib markii qaar badan oo kamid ah saaxiibadooda ay xabsiyada ku geeriyoodeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Isxaaq Maxamuud Mursal oo kamid ah masuuliyiinta garoonka kusoo dhoweeyay dhalinyaradan ayaa sheegay, Dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay dalka dib ugu soo celiso cid walba oo duruuf adag kala kulanta tahriibka.

Wasiir Isxaaq Mursal wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso wacyi galinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kuwa haatan jooga looga celiyo safarka tahriibka ee halista ku ah naftooda iyo maalkooda.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleFalastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya
Next articleCaalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga