Ugu yaraan 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa geeriyooday kaddib markii laba doon oo waday muhaajiriin sharci-darro ah ay ku degeen xeebaha Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Kooxaha gurmadka ee ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 15 qof, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow, Arbacadii.
Safiirka waxa uu xaqiijiyey in labada doon ay ku sii jeedeen Talyaaniga markii cilad farsamo ay sababtay in ay degaan.
Waxa uu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan halis gelin naftooda, balse ay maalgashadaan fursadaha shaqo ee gudaha halkii ay ka geli lahaayeen tahriib sharci-darro ah.
Sheegow waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga Talyaaniga inay daba galaan shabakadaha tahriibka si ay u badbaadiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Hay’adda IOM ayaa soo warisay in ku dhowaad 24,500 oo qof ay ku lumeen ama ku dhinteen Badda Mediterranean-ka tan iyo sannadkii 2014, iyaga oo safar kaga soo baxay Afrika kuna sii jeeday Yurub.
Dhacdadan waxay qayb ka tahay muuqaalka sii xoogaysanaya ee geeridii badda Mediterranean-ka. Sanadkan ilaa 675 qof ayaa ku dhintay badda.
Dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee Lampedusa ka dhacday waxay ahayd 3 Oktoobar 2013, markaas oo doom ay ku saarnaayeen in ka badan 500 muhaajiriin oo ka kala yimid Eritrea, Soomaaliya, Ghana) ay ku dhinteen ugu yaraan 368 qof.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa muujisay in la dagaallanka tahriibka sharci darro ah uu u baahan yahay in lagu dhiso ka hortag iyo maarayn awood leh, halkii kaliya laga samatabbixin lahaa dhacdooyinka sida tan.