Home Wararka Caalamka Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Markabkii Labaad Quusiyay iyo Xaalada oo Faraha kasii...

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Markabkii Labaad Quusiyay iyo Xaalada oo Faraha kasii Baxeysa

0

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayay u suurtagashay in maalmo gudahood ay quusiyaan markabkii labaad, oo ay la xiriirinayaan Dekedaha Israel, xilli uu ku gooshayay marin biyoodka Badda Cas.

Lix ka mid ah shaqaalaha markabka Eternity C ayaa la soo badbaadiay, ka dib weerar ay sheegteen Ururka Xuutiyiinta oo ka dhacay Badda Cas, sida uu Arbacadii sheegay Taliska Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.

Markabkan oo nooca xamuulka ahaa, isla-markaana ay la socdeen 25 shaqaale ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo lix ka mid ah.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in afar shaqaale ay ku dhinteen weerarkaasi, halka shan iyo tobankii kalena sida ay sheegtay la la’yahay.

Markabkan ayaa watay Calanka Liberia, waxaana la sheegay in laga leeyahay dalka Giriiga. Weerarka lagu qaaday wuxuu ka dambeeyay, sababtoo ah waxa uu ku sii jeeday Israel, sida ay Xuutiyiintu sheegeen.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday markabka Giriiga loo adeegsaday dooni aanay cidina wadin iyo gantaalo, iyagoo ku garab istaagaya Falastiiniyiinta reer Gaza ee wajahaya weerarada naxariis darrada ah ee Israel.

General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa xalay shir jaraa’id ku sheegay in markabku uu ku sii jeeday Israel, taas oo xadgudub ku ah awaamiirtii ay horey uga soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Falastiin, balse ay Israel xoogga ku haysato.

Ad
Previous articleWafdi Wasiiro ah iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood
Next articleMaraykanka oo cunaqabatayn saaray Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo dhaleeceeyay dagaalka Israel ee Gaza