Home Wararka Maanta Kooxda Xutiyiinta Yaman oo Hubsinaaya Kooxda Alshabaab iyo Wadahadalo U Furmay

Kooxda Xutiyiinta Yaman oo Hubsinaaya Kooxda Alshabaab iyo Wadahadalo U Furmay

0

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay CNN ayaa arrintan ku tilmaamay mid welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba ay rabshado ka socdeen.

Saraakiisha ayaa hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado haddii Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Ma aha isbahaysi dabiici ah inay yeeshaan labada kooxood, kuwaas diin ahaan kala ah Sunni iyo Shiico is-neeb, islamarkaana aan horey xiriir u yeelan. Laakin waxaa kala qeybiya hal biyo oo kaliya – Gacanka Cadmeed oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah – waxayna labadooduba Mareykanka ku tiriyaan cadowgooda ugu sarreeyaa.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in xiriirka danta ku dhisan uu xaaladda uga sii dari karo Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu billaabmay dagaalka Gaza.

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in taageeraha koowaad ee kooxda, Iran, ay walaac ka qabto istaraatiijiyadda weerarada kooxda ee Badda Cas.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaankaan oo Laaba Maalin kahor Laga saaray
Next articleHooyo Shan sano Ku aasnayd Qabuuraha Iskuul Bulisiyo Oo Maydkeeda Muqdisho Laga Dhoofiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here