Home Wararka Caalamka Kooxda Xamaas oo Aqbashay Heshiis Cusub oo loo soo bandhiga iyo Israel...

Kooxda Xamaas oo Aqbashay Heshiis Cusub oo loo soo bandhiga iyo Israel oo laga Warsugayo

0

Xarakada (Xamaas) ayaa maanta sheegtay in iyaga iyo kooxaha Falastiiniyiinta ay ku wargeliyeen oggolaanshahooda soo jeedintii shalay uga timid labada dhexdhexaadiye ee Masar iyo Qadar, taas oo la xiriirta hindise ku saabsan is-weydaarsi maxaabiis iyo xabbad-joojin ka dhacda marinka Qaza.

Dhanka kale, xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Binyaamiin Netanyahuu, ayaa sheegay in mowqifka Israa’iil uusan isbedelin, kaas oo ah in la sii daayo dhammaan la haystayaasha iyo in la fuliyo dhammaan shuruudihii lagu sheegay in lagu soo afjaro dagaalka.”

Sida ay sheegtay hay’adda warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, iyadoo soo xiganaysa ilo aan magacooda la shaacin, Israa’iil ayaa heshay jawaabta Xamaas.

Waxay intaas ku dartay in kooxda wadaxaajoodyada ay falanqaynayaan jawaabta Xamaas si ay ugu gudbiyaan Netanyahuu.

Dhankooda, qoysaska maxaabiista Israa’iil ee ku jira gudaha Qaza ayaa ku baaqay in Netanyahuu uu  wadaxaajood joogto ah isla markiiba  bilaabo si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha rag iyo dumarba.

Qoysasku waxay ku sheegeen bayaan ay soo saareen in dadku la jiraaan la haystayaasha, isla markaana aysan u oggolaan doonin ra’iisul wasaaraha inuu burburiyo heshiis kale oo suurtagal ah.

Soo jeedinta  ayaa waxaa ka  mid ah  xabbad-joojin ku-meelgaar ah oo 60 maalmood ah, inta lagu jiro mudadaasna ciidanka Israa’iil uu dib u baxo si loo fududeeyo gelitaanka gargaar bini’aadannimo gudaha marinka Qaza.

Inta lagu guda  jiro 60-ka maalmood  ayaa waxa la  is-weydaarsan doonaa  maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo kala bar la haystayaasha Israa’iil ee ku jira gudaha Qaza.”

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay bilowgii jidka xalka buuxa, ayna tahay   habraac loo marayo heshiis dhammaystiran oo lagu soo afjaro dagaalka.

Israa’iil weli kama aysan soo jawaabin soo jeedinta dhexdhexaadiyeyaasha ee Xamaas aqbashay inkastoo ay 24 saac ka soo wareegtay markii loo gudbiyey soo jeedinta.

Soo jeedinta dhexdhexaadiyeyaasha ee Xamaas aqbashay waxa ay ku iman doontaa dammaanad Maraykan ah iyo garab ka helid  madaxweynaha Trump.

Israa’iil waxa horyaalla imtixaan dhab ah oo lagu badbaadinayo maxaabiista.

Ma jiro waddo kale oo lagu sii deyn karo la haystayaasha aan ka ahayn wadahadalka ku dhisan soo jeedinta Wietkoff.

Ad