Shacabka Muqdisho ayaa caawa si aad ah u hadal haya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gabal dhicii maanta lagu arkay wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye
Waxay halkaas isugu keeneen gaadiidkii gudaha Magaalada ka baxayey iyo kuwii soo galayey, iyagoo amaro kala duwana siinayey darawalada gaadiidka iyo Mootooyinka.
Shacabka ayaa arrintaasi cabsi xoogan ka muujinaya, xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Xubnahan ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay iney goobtaas isaga tageen markii ay isaga qaadeen sawiro ay markii dambe ku baahiyeen baraha bulshada.
Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in Al shabaab ay halkaas si dhuumaaleysi ah ku yimaadeen ayna joogeen daqiiqado aad u kooban si ay isaga qaadaan sawiro ay borobogaan ahaan u isticmaalaan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha
Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka