Home Wararka Maanta Kooxda Shabaab oo Laga Saaray deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobolka...

Kooxda Shabaab oo Laga Saaray deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobolka Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala Galbeedka gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa howlgalada kula wareegay tuulooyin tiradooda lagu sheegay ilaa sagaal tuulo oo dhamaantood hoostaga deegaanka Ceel cadde.

Deegaanadaan ciidamadu la wareegeen ayaa horay waxaa ugu sugna kooxda Al-shabaab, waxaana la sheegay in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen xubnahii kooxda Al-shabaab ee ku sugnaan jiray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in howlgaladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, islamarkaana lagu jabiyay kooxda Al-shabaab.

“Howlgallada waxay ka socdaan Galbeedka gobolka Hiiraan, gaar ahaan agagaarka deegaanka Ceel cadde, si nabad gelyo ah ayay ku bilowdeen, wax dhibaato ah ma jiraan dhufeyso badana waa la burburiyay, ilaa 9 deegaan ayaa la wareegnay oo aan ka saarnay cadowga” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka xoogga dalka.

Sarkaal ayaa sidoo kale xusay in ciidamada ay wali ku howlan yihiin baacsiga firxadka xubnaha Al-shabaab, islamarkaana u jeedadoodu tahay iney kooxda ka saaraan dhamaan deegaanada kale oo ay kaga sugan yihiin Galbeedka gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab mudo aad u dheer xarumo waa weyn ay ku leeyihiin deegaanada dhaca Galbeedka gobolka Hiiraan.

Ad