Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kooxda Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadashay guuldarradii Aadan Yabaal iyo...

Kooxda Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadashay guuldarradii Aadan Yabaal iyo Ruun-nirgood

0

Yuusuf Kabokutukade oo ah hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kooxda siiyey wareysi uu uga warbixinayo dagaallada ka socda gobolkaas ee ciidanka dowladda iyo shacabka kacdoonka sameeyey ay kula jiraan.

Ugu horeyn Kabokutukade wuxuu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay lix askari iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay ku dileen qarax ay kula beegsadeen duleedka degmada Mahadaay.

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku andacooday in wax weyn aysan ka dhigneyn in laga qabsado dhamaan degmooyinkii gobolkaas, sida Aadan-yabaal iyo Ruun-nirgood oo u dambeysay.

“Sh/Dhexe wax dheexaa ugama hir gelin kuwii nasoo weeraray, shacabku waa ogyihiin in aan deegaanada ku soo laaban doono, hadii meelaha qaar la shirbay, waxaan idiin sheegayaa Shirib Shabaab ma celiyo,” ayuu yiri Yuusuf Kabokutukade.

Sidoo kale ninkaan ayaa dowladda ku dhaliilay in qabaa’ilka ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-Shabaab, “Shacabkaan wax aan diinta islaamka aheyn kama gadi karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kabokutukade.

Wuxuu sheegay in ka Shabaab ahaan ay dadka u sameeyaan maamul “Wanaagsan oo diinta Alle ku dhaqma” isagoo ku andacooday in dadka aysan been u sheegin oo balan qaad aan la fuli doonin aysan u sameyn, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Yuusuf Kabokutukade oo Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda ee la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan deegaanada HirShabeelle oo intooda badan kooxda laga xoreeyey.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous article16-qof oo ku dhimatay Dalka Mareykanka oo Duufaanta Christmas-ka ay ku dhufatay
Next articleVilla Somalia oo shaaca ka qaaday muddada ay kusoo afjareyso kooxda Al-Shabaab ee Dagaalka Adag kusocdo