Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Goofgadudud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.
Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab ay iska gaashadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyay in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabushaa weeraro ka dhaca gudaha dalka.