Home Wararka Maanta Kismaayo oo lagu Xiray Nin ku Baafiyay Tiktok-ga Warar been abuur ah

Kismaayo oo lagu Xiray Nin ku Baafiyay Tiktok-ga Warar been abuur ah

0

Ciidamadw Booliiska Jubbada Hoose ayaa xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal uu isagu iska duubay oo uu ku sheegay in uu Kismaayo ku noolyahay nin ay xaas u tahay “gabadh uu aabbe u yahay”, islamarkaasna ay carruur u dhashay. Ninkan ayaa laga soo qabtay magaalada Dhoobley, kadibna diyaarad ayaa Kismaayo lagu geeyay, halkaas oo lagu xiray.

“Arintaas oo markii Ciidanka Booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen noqotay mid aan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri kasoo bqxay  ciidanku Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkani dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayuu ku qiranayaa in warkii uu horey TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah, islamarkaasna uu garoowsaday in bulshada ku dhex abuuray qalqal iyo welwel badan.

Booliiska Jubbada Hoose ayaa sheegay in markii uu soo gaaray warka uu ninku sheegay ay durbadiiba baaritaan galeen, maadaamaa waxa la sheegay uu yahay wax kasoo horjeeda dhaqanka iyo diinta, ayna u caddaatay in warkaasi been yahay.

Ninka ayaa markii uu muuqaalka duubayay ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinta ka hor imaanaya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxaa ka jira in Xildhibaan Mahad Salaad loo magacaabay Taliyaha ciidamada NISA ?
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Wada Hadal La Yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka