Home Wararka Caalamka Kiiska 14 Dumar oo si Qalad ah looga saaray Minka Cisbitaalka Uppsala...

Kiiska 14 Dumar oo si Qalad ah looga saaray Minka Cisbitaalka Uppsala ee Dalka Sweden

0

Isbitaalka Jaamacadda Uppsala ayaa helay khaladaad badan oo dhanka caafimaadka ah oo la xiriira fadeexada haween si lama filaan ah looga soo saaray Minkooda, sida uu sheegay Raadiyaha Uppsala .

Isbitaalka ayaa soo sheegay 14 xaaladood oo cusub, taasoo tirada guud ee kiisaska ka dhigeysa 58.

Ka dib markii ay soo baxday “fadeexadan” dayrtii hore, Isbitaalka Jaamacadda Uppsala wuxuu ku dhawaaqay in 33 haween ah lagu sameeyay qalitaan qallafsan. Kow iyo toban kiis oo cusub ayaa la ogaaday gugii hore.

kadib markii uu si qoto dheer dib u eegis ku sameeyay cisbitaalka, waxaa la ogaaday in 14 kale oo haween ah loo sameeyay qalliin sababo aan sax ahayn.

– Waxa aanu u gudbinay hayadda kormeerka caafimaadka, ka dib 14 kiis oo cusub, ayuu SVT Nyheter Uppsala ku yidhi Johan Løgnegaard, oo ah dhakhtarka sare ee cisbitaalka Uppsala.

Ad
Previous articleDowlada Sacuudiga oo Xukuno Dil ah ku Fulisay Ajaanib kala Duwan oo Somali ku jirto