Home Wararka Caalamka Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.”

“Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay Aqalka Capitol-ka waxaana ku dhawaaqay xilliga dahabiga ah ee Mareykanka. Laga soo bilaabo wakhtigaas, waxa ka dambeeyay tallaabooyin degdeg ah oo aan la joojin si loo xaqiijiyo xilliga ugu weyn uguna guulaha badan taariikhda dalka,” ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay “wax ka qabatay arrimo badan 43 maalmood gudahood ah, taasoo ka badan wixii ay inta badan xukuumadaha ku sameeyeen afar sano ama sideed sano, waana billow kaliya.”

Illaa hadda, wuxuu saxiixay 76 amar fulineed, kuwaas oo qaarkood wajahaya loolan maxkamadeed.

Dhowr daqiiqo kadib markii Trump uu bilaabay khudbadiisa, waxaa hareeyey qaylo ka timid xubnaha Aqalka Wakiilada qaarkood ee Dimoqraadiga ah, taasoo keentay in afhayeenka Aqalka Wakiilada, Mike Johnson, uu amar ku bixiyo in laga saaro Al Green, oo ah xildhibaan Dimoqraadi ah oo ka soo jeeda Texas. Trump wuxuu khudbadiisa sii waday kadib markii Green laga saaray hoolka.

Trump wuxuu sidoo kale liiska ku daray dhowr ka mid ah amaradiisa fulineed, oo ay ka mid tahay in uu uga dhawaaqay xaalad degdeg ah xadka koonfureed ee dalka, isagoo u diray ciidanka Mareykanka iyo kuwa xuduudda si ay u joojiyaan duulaanka dalka lagu soo qaaday, sida uu yiri.

Isaga oo ka hadlayey daroogada la soo geliyo Mareykanka, wuxuu yiri, “Mareykanka wuxuu dagaal ku qaadi doonaa kooxaha daroogada ee Mexico.”

Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in uu hakad ku sameeyay shaqooyinka federaalka tan iyo markii uu ku laabtay Aqalka Cad, iyo sidoo kale inuu hakad geliyey kaalmada Mareykanka uu siiyo dibedda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga inay u codeeyaan canshuur dhimista uu qorsheynayo, isaga oo yiri, “Waan hubaa inaad u codeyn doontaan dhimista canshuuraha, sababtoo ah haddii kale, ma rumeysni in dadku marna idiin soo dooran doonaan xafiiska.”

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga, “Aan wada shaqeyno, oo aan dhab ahaantii mar kale ka dhigno America mid weyn.”

Trump wuxuu sidoo kale xusay inuu ka baxay Heshiiska Cimilada ee Paris, oo uu ku tilmaamay mid “cadaalad darro ah,” Ururka Caafimaadka Adduunka oo uu ugu yeeray “musuqmaasuq,” iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay “kuwa ka soo horjeeda Mareykanka.”

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay
Next articleShirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho