Home Wararka Maanta Khilaafkii u dhaxeeyay Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada oo hawada galay iyo...

Khilaafkii u dhaxeeyay Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada oo hawada galay iyo Wasaaradda oo joojisay dhaqaale………………

0

Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa go’aamo ka soo saartay cabashooyin kaga yimid hay’adaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyada la baabi’iyay lacagaha uu Maamulka Gobolka ka qaado Iskuulada kuyaal Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in ay Wasaaradda soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid  hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, taaas oo ku aadan qarashaad xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada.

” Iyada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaar ka ah ee ay la daalaadhacayeen iyo
culayska ay arrinkaani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxwaynaha JFS iyo Ra’iisul- Wasaaraha Xukuumada JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si
gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay canuurtoodu wax ku bartaan iskuuladda ku yaala Gobolka
Banaadir, waxaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS
CAbdullahi Abukar Haji uu soo saaray qodabada soo socda.

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.

2. Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-
maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda
waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee
goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee
xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku
tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga
haysan wasaaradda.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleRa”isul Wasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey
Next articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Sheegay in Doorashadii Mahdi Guuleed ay sax aheed (Akhriso)