Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Khilaaf xoogan oo Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo Cali Guudlaawe

Khilaaf xoogan oo Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo Cali Guudlaawe

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee caasimadda Hiiraan ayaa sheegaya inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya go’aankii uu madaxweynaha HirShabelle ku gaaray in kuraasta ku harsan Beledweyne oo gaaraya illaa 11 kursi laga dhigo kuwa furan oo aan loo xirin shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed ayaa ka horyimid go’aanka Guudlaawe, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Dabageed ay gadaal kasoo riixeyso Villa Somalia oo dooneysa in 11-ka kursi ee dhiman loo xiro shaqsiyaad ay iyada wadato.

 

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, khilaafka ayaa durba saameeyay guddiga doorashada HirShabelle oo la kala saftay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweynaha HirShabelle oo dhawaan Beledweyne kula kulmay qaar kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta dhiman ayaa u ballan qaaday inaysan jiri doonin kuraas la xirayo.

Go’aanka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii kacdoon looga soo horjeedo in kuraasta loo xiro shaqsiyaad uu ka qarxay magaalada Beledweyne kaasoo keenay inay ciidamo badan gudaha usoo galaan magaalada.

 

Guudlaawe oo muddo ay ku qaadatay inuu tago Beledweyne islamarkaana ay aqbalaan dadka kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa iska ilaalinaya in mar kale uu abuuro xiisad keeni karta in deegaanka laga naco.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalki Ruushka oo Maalintii Sagaalaad Galay
Next articleWadahadal ugu Furmay Dalka Turkiga Ruushka iyo Ukrain