Home Wararka Maanta Khilaaf ka dhashay markab tahriibayaal sidday oo loo diiday inuu galo Talyaaniga

Khilaaf ka dhashay markab tahriibayaal sidday oo loo diiday inuu galo Talyaaniga

0

Dowladda cusub ee midigta adag ee Talyaaniga ayaa 35 nin ka hor istaagtay inay ka degaan markab soo badbaadiyay muhaajiriin doonayay in ay ku deggaan deked ka mid ah kuwa Talyaaniga muddo labo toddobaad ah.

Laakiin waxay ogolaatay dowladdu in dadka qaar sida carruurta, haweenka iyo dadka xanuusanaya ay ku deggaan dekadda Sicily.,

Markabkan oo lagu magacaabo “Humanity 1” ayaa ka mid ah maraakiib sidda dad tahriibayaal ah oo sugaya ogolaanshaha inay ku degaan dhulka Talyaaniga.

Horey ayay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni u ballan qaaday, intii ay ku guda jirtay ololaheedii doorashada, inay qaaddi doonto tallaabooyin meesha ka saaraya muhaajiriinta u socdaalaya Talyaaniga ee ka imaanaya dalalka Waqooyiga Afrika iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka.

Talyaanigu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka galaan tahriibayaashu Yurub. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 85,000 oo muhaajiriin ah ay doonyo ku gaareen Talyaaniga sanadkan 2022-ka

Muhaajiriin badan ayaa doonyo yar yar ku galaya badda Mediterranean-ka, kadibna waxaa soo badbaadiyay maraakiib inta ay safarka ku jireen.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa oggolaaday in 144 qof laga soo dejiyo markabka “Humanity 1”, oo uu ka babanayo calanka dalka Jarmalka.

Hay’add samafal ee leh markabka ayaa sheegtay in muhaajiriinta go’doonsan ay aad uga niyad jabeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Talyaaniga.

Petra Kreshuk, oo ka tirsan Hay’adda Save Our Lives Foundation (SOS), ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP in mid ka mid ah Muhaajiriinta uu la ildaran yahay xanuun dhanka neerfaha ah.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay: “Ka-hortagga dadka u baahan gargaarka oo loo diido inay ka soo degaan markabka waa xad-gudub sharciga caalamiga ah.”

Saddex markab oo kale oo siday 900 oo tahriibayaal ah ayaa codsaday inay galaan dekedda Talyaaniga, balse looma ogola in maraakiibtu ku xirtaan halkaa.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Meloni ayaa arrinta socdaalka ku sheegtay in ay hormuud ka tahay walaaca dowladeeda, xilli ay khudbadii ugu horeysay ka jeedisay Aqalka Congress-ka.

“Waa inaan joojinaa bixitaannada sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dadka,” ayay tiri ra’iisul wasaaruhu, laakiin waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan wax niyad ah u hayn “in ay cid kala hadasho magangalyada dadka ka soo cararaya dagaalka iyo cadaadiska”.

Wareysi ay siisay wargeys ayay ku sheegtay in mas’uuliyadda muhaajiriinta ku xayiran maraakiibta ay saaran tahay dalalka ay ka diiwaangashan yihiin maraakiibtaasi, haddii kale ay isu bedeli doonaan “maraakiib burcad badeedda”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFörsäkringskassan iyo Svenska kraftnät oo iska Kaashanaya Caawinta Korontada
Next articleNorway oo Gantaalada Liidka Diyaaradaha ku Wareejisay Ukraine