Home Wararka Somaliya Galmudug Khasaaraha Kala Gaaray Beelihii ku Dagaalamay Mudug iyo Caawa Halka Lakala Joogo

Khasaaraha Kala Gaaray Beelihii ku Dagaalamay Mudug iyo Caawa Halka Lakala Joogo

0

Dagaal Qaraar oo Maalinkii Labaad Galay ayaa Saakay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Buqqalooc kaas oo Soo GaarayCasir liiqii Galabtay.

Dagaalkaan oo U Dhaxeeyey Beelaha Shiiqaal iyo Dir ayaa Maantay Waxaa Ka Dhashay khasaaro Ka Badan Kii Shalay.

Beelaha Shiikhaal oo Shalay Qaaday Dagaalka ayaa Doonaayay inay Dir ka Saaraan Magaalada Buqqalooc oo Horay U Qabsadeen Beesha Dir.

Shiiqaal ayaana Shalay Xogaa Hormar ka Sameyey Dagaalka ayagoo Inya Badan Qabsaday Magaalada Buqqalooc Shalay Waxaa Beesha Shiikhaal Ka Dhintay 7 Qof Halka Ay ka Dhaawacmeen 16 Askari Beesha Dir ayaa Ayana Waxa Ka Dhintay Shalay Ilaa 9 ruux iyo Dhaawaca 19 Qof oo kale.

Beesha Dir oo Helay Gurmadyo Xoogan oo ka Yimid Xeraale ayaa Galabtay Dib U Qabsaday Goobihii Shalay Laga Saaray Beesha Shiikhaal ayaana Lagu soo celiyay Fariisinkoodii Hore oo ay Shalay Weerarka Ka Qaadeen.

Khasaaraha Maantay ayaa kala ahaa Beesha Shiikhaal Dhimasho Gaaraysa 4 Ilaa Iyo Dhaawac 16 Halka Dirtana Lagu Sheegay 5 Iyo 20 Dhaawac ah Halkaas ayaana Caawa lagu kala Hoyday.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa Wada Dadaalo looga Hortagaayo In Dagaal kale usan dhicin Beri Kuwaas oo Waanwaan Xoogan Wada.

 

Ad
Previous articleMusiibo Qaran Taliye uu Dhacaayay oo Goordhow lagu Xukumay DilbToogasha ah
Next articleXildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin