Home Wararka Caalamka Kenya oo saakay ay Ka Bilaabatay doorashooyinka guud iyo tan madaxweynaha

Kenya oo saakay ay Ka Bilaabatay doorashooyinka guud iyo tan madaxweynaha

0

Dadka Kenya waxey saakay u dareereen doorashooyinka guud oo lagu dooranayo min mudanayaasha golayaasha degaannada (47 Gole Degaan), Guddoomiyeyaasha gobollada (47 Gobol), Xildhibaannada aqalka hoose (349 Xildhibaan), Senatorrada Aqalka sare (47 Senator) iyo xilka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynaha.

Waxaa guud ahaan isu diiwaan geliyey iney codeeyaan 22 milyan 120 kun iyo 458 qof oo ka codeeynaya 46 kun iyo 232 goobo cod bixineed oo ku kala baahsan dalka oo dhan.

Doorashada baaxaddaas leh waxey billaabatay saakay lixdii subaxnimo waxaana la soo gebagebeyn doonaa lixda maqribnimo ee isla maanta oo ay xirmayaan goobaha cod bixintu

Natiijooyinka doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in la heli doonowixii ka billowda lixda maqribnimo ee maanta.

Ad
Previous articleUkranie oo loogu deeqay hub casri ah oo qiimihiisu gaadhayo illaa $1 Bilyan oo Doolar
Next articleAl Shabaab oo weerar ku qaaday Kenya Xilli maanta doorasho Madaxweyne ka bilaabatay