Home Wararka Maanta Kenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday kadib Weerarkii Ceel Baraf ee Ciiamadda...

Kenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday kadib Weerarkii Ceel Baraf ee Ciiamadda ATMIS.

0

Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, kadib weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay qorsheyn karaan inay xoogaga Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi

“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya kadib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku diray inay heleen macluumaad ku aadan xoogosheegaya in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weeraro ka dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa sidoo kale xusay inay adeegsan doonaan sirdoon heer sare ah, isla-markaana ay bilaabi doonaan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo cusub.

“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalka Kenyaanka ah.

Si kastaba, feejignaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa ayaa daba socota, kadib markii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS oo askar badan looga dilay weerarkaasi oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWararkii Uga Danbeeyey Ee Diiwaan Galinta iyo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleXildhibaan Beerey oo isaga tagay Xubinnimada Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad Soomaaliya.