Home Wararka Maanta Kenya iyo Soomaaliya oo Maantay kala Saxiixanaaya Heshiis Soomaali Badan Farax Galin...

Kenya iyo Soomaaliya oo Maantay kala Saxiixanaaya Heshiis Soomaali Badan Farax Galin doona

0

Soomaaliya & Kenya ayaa maanta kala saxiixanaya in ka badan 4 Heshiis oo u dhaxeynaya labada dal, gaar ahaana waxay taaban doonan Heshiisyadan.

1- AMNIGA: Xaduudaha iyo Isku socodka (In Passportka Soomaaliga helida Dal kugalka Kenya loo sahlo, si lamid ah Baasaboorada dalalka deriska ah).

2- WAXBARASHADA: In Jaamacadaha Kenya ay aqoonsadaan Shahaadooyinka dugsiyada Sare ee Soomaaliya.

3- GAASHAANDHIGA: In sare loo qaado iskaashiga 2-da dal ee la dagaalanka Argagixisada iyo Tababarada ciidamada.

4- GANACSIGA: In lahirgaliyo dhammaan heshiisyadii horey loo galay ee Ganacsiga, iyadoo xooga la saarayo in ganacsatada Soomaalida awood u yeeshaan in ay Fursadaha yaala Suuqyada Kenya ka faa’iideystaan.

RW Soomaaliya oo hogaaminaya, wasiiradda Arrimaha dibada, Gaashaandhiga, Waxbarashada, Ganacsiga, Kalluumeysiga iyo xubno kale oo dawladda Soomaaliya ayaa madasha jooga.

Ad