Home Wararka Maanta Kenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Muqdisho-Nairobi

Kenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Muqdisho-Nairobi

0

Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi ah, kaasi oo dib u bilaaban doona horraanta sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Kenya Airways ayaa sheegtay in duulimaadka cusub ee Muqdisho-Nairobi uu noqon doono toddobaadkiiba saddex jeer, kaasi oo ku kacaya qiimo aad u sarreeya.

Qiimaha Ticket-ka ay shaacisay diyaaradda Kenya ayaa ah $1050 (Kun iyo konton dollar), oo ah mid aad qaali u ah oo ka badan labo jibaar qiimaha Ticket-ka xilligan ee duulimaadyada Muqdisho-Nairobi.

August 2020, ayay aheyd markii duulimaadyada diyaaradda Kenya Airways si KMG ah loo hakiyay caabuqa Karoona (Covid-19) oo dilaacay awgiis, wuxuuna hadda dib u bilaaban doona 14-ka bisha Febraayo 2024.

Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlayay ka hor inta aan la bilaabin duulimaadka, ayaa yiri,

“Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo KQ. Tallaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Julius Thairu oo ah madaxa xafiiska ganacsiga iyo macmiilka ee Kenya Airways.

“Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada-shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Si kastaba, Dib usoo celinta duulimaadyada Muqdisho-Nairobi ayay Kenya Airways ku macneysay qayb kamid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo horumarinta isku xirka qaaradda Afrika, si ay gacan uga geystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Deg Deg ugu Yeeray Wasiir Fiqi iyo isla xisaabtan Bilowday
Next articleHowlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..