Home Wararka Caalamka Kamala Harris oo u Magacowday Tim Walz Madaxweyne kuxigeenka xisbiga Dimuquraadiga

Kamala Harris oo u Magacowday Tim Walz Madaxweyne kuxigeenka xisbiga Dimuquraadiga

0

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Kamala Harris ahna murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga ayaa u magacowday Kuxigeenkeeda Guddomiye Tim Walz.

Tim Walz ayaa hada haya xilka Guddoomiyaha Gobalka Minnesota oo ah gobalka ay degen yihiin Jaaliyadda ugu badan ee Soomaalida.

Walz ayaa kamid ahaa xubnaha xilkan la filayey in loo magacaabo, wuxuuna kamid yahay garabka isbedal doonka ee xisbiga Dimuquraadiga.

Guddoomiye Walz ayaa sidoo kale la filayaa magacaabistiisa inay soo dhaweeyaan taageerayaasha xisbiga ee sida weyn u dhaliilsanaa siyaasada ku aadan Israel.

Wuxuu kamid ahaa Tim Walz xubnaha sar sare ee xisbiga ee cambaareeyey xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Waxaa la filayaa in magacaabistiisa ay ka caawiso xisbiga Dimuquraadiga helida cododka dhalinyarada.

Guddoomiye Walz oo ah siyaasi codkar ah ayaa kamid ah xubnaha sida ugu adag u cambaareeya xisbiga Jamhuuriga.

Xilalka uu horey usoo qabtay ayaa waxa kamid ah Xildhibaan Kongareeska, isagoo sidoo kale horey usoo ahaa askari ka tirsan ciidamada kaydka Minnesota iyo Macalin.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleMadaale Maku Bixi Doonaa Gafkii uu ugaystay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Looga Yeeray Villa Hargaysa?
Next articleDadka Sharci la’anta iyo kuwa Diidmada heesta ee Sweden oo soo gudbintooda la diiday