Home Wararka Maanta Kaluumaysato Bilo Ka Hor lagu Waayay Xeebaha Muqdisho oo Maantay Laga...

Kaluumaysato Bilo Ka Hor lagu Waayay Xeebaha Muqdisho oo Maantay Laga Helay Xeebaha Jasiirada Maldives(Sawiro)

0

Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa maanta laga helay Jasiirada Maldives.

Saddexda oo Laash ay ku Kalluumaysanayeen ka raacay xeebta Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in ay Baddu ku kacday isla markaana ay jihadii ka lumisay.

Dawladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Maldives ayaa hadda ka wada shaqaynaya sidii saddexda nin loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho oo ah bartii ay dabayluhu ka soo qaadeen.

Jasiiradaha Maldives ee badweynta India iyo Soomaaliya ayaa isu jira masaafo ka badan 3 kun oo KM oo dhinaca Badda ah.

Sanadkii hore ayey aheyd markii kaluumeysato reer Muqdisho ah ay sidan oo kale ka luntay jihada ayna baddu qaaday doonidii ay a socotay iyagoo dhowr bilood ka dib laga helay xeebaha dalka Srilanka oo kumanaan Km u jira xeebaha Somalia, waxaana markii dambe dib loogu soo celiyey dalka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu dhawaaqday inuu Bilowday Wajiga Labaad ee Dagaalka Alshabaab
Next articleDalkii 4aad ee ka tirsan Yurub oo aqoonsaday dowlada Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here